Hanqal Taag Qeybtii 2aad.

View previous topic View next topic Go down

Hanqal Taag Qeybtii 2aad.

Post  Iidiaamiin on Fri Mar 14, 2008 6:40 pm

Tixdaan oo daba socoto, silsaladii hore ee hanqal taag, waxey kuu cadeyneysaa in aanan horey tix u dirin, waxey kugu dhiiiri galineysaa in adiga qudhigaaga aad tirin karto gabey, oo aysan aheyn wax saas u culus.

Gadh ciroolayaashii
Duqowdii soomaalida
Maansada daneyn jiray
Cabdi qeys, hadrawiyo
Timacadiyo, gaariye
Singub iyo in badanoo
Maskaxdu aaney koobeyn.

Intaasoo abwaanoo
Maansada digsiin jiray
In dacalka heystoon
Halqabsado erayadoo
Tixdda aan ku joojoon
Sharaf beyba ii tahay,

Silsiladdii horeysee
Dareenkeeddu dheeraa
Ula jeedadeedii
Wali maanan helinoo
Ma aqaan saluuglaay
Inaad gartay maansadda
Iyo inaadba moogtoo
Miirkaaga ay galin

Gabadhii la caashaqo
Ninba waa u luuloo
Intuu karaan u lee yahay
Erayadda dhamaantood
Mar ba eray ku sheegaa

Adigana waxaa tahay
Middi aan milmeynoo
Maqalkeedu dheer yahay
Sumad aan ku siiyiyo
Waxaan kugu sifeeyaba
Garan mayo aniguye
Ila garo u jeedada

Anigoo gabyaa iyo
Tixn waligey aan tirin
Una soo dhawaanoo
Markii aan ku eeguu
Iga soo burqadayoo
Ilaah baan ku mahadshaa

Qofba dabeecad garaa
Ilaah uu ku beeraa
Arimaha midkuu daran
Culeys markuu yimadaba
Waxaan ahay dadkaan hadal

Nimco eebe weeyaan
Iga keenay maansada
Hawraaha sameyntood
Kala hufidda erayadda
Igaga dhigay mid daah furan
Ilaah baan ku hamadshaaa

Afku oon ma uu qaban
Maskaxduna ma gaagixin
Balse tixda nuxurkiyo
Ujeedadeedayey dhiman
Ayan kuu gaabiyey……

By: Iidiaamiin
avatar
Iidiaamiin

Male
Number of posts : 9
Age : 35
Location : mogdishu
Major : Adeege
Favorite Quote : "Caqilo halkii lagu galey caw ku hurudaaye..Caruurtey ka leysaa ninkii caano bas dhama'e
Registration date : 2008-03-11

View user profile

Back to top Go down

View previous topic View next topic Back to top


 
Permissions in this forum:
You cannot reply to topics in this forum