WALAAL WAX KA OGOW HOOYADAA.

View previous topic View next topic Go down

WALAAL WAX KA OGOW HOOYADAA.

Post  Iidiaamiin on Fri Mar 14, 2008 6:17 pm

Ma taqaan hooyo

Waalidka waa tiirdheexdka ummaddkasta oo aduunka ku nool, waalidka waa barbaariyaha mustaqbalka jiilka imaan doona, waalidka ha xummaado ama ha fiicnaadee waa waalidkaa.

Markaad maqasho erayga waalid waxaa maskaxdaada ku soo dhaceyso dhowr qof, balse aniga qoraalkeyga waxaan kala dan leeyahay, labo qof waa hooyo iyo aabo, oo haddey saas tahay, maxey kala tahay xaquuqdooda ama sida lagu kala saari karo xaquuqdooda, aabuhu waa nin rag ah, ilaahay wuxuu u dhaliyey adeyg iyo calool adeyga aysan hooyada laheyn, sidaas darted ayuu xaqiisa ugu sara maray hooyada, nabigeena NNKH markii aabaha xaqiisa uu tilmaamayey wuxuu ku sheegay 1mar, balse hooyada wuxuu nabigeena NNKH ku sheegay sedex jeer.

Oo haddii ay saas tahay maxaa na looga baahan inaan sameyno, waxaa qasab nagu ah inaan waalidkeena ka duceysano, baari u noqo, wax walba oo dhibaayo ka ilaalino, waayo waalidka ducada waa laga gataa, sidee lagooga gataa aniga ayaa kuu sheegayo ee si qoto dheer u eeg warka aan ku lee yahay, haddaad dooneyso inaan ka gadato walidkaa ducadda ka farxi wax walba oo uu ku farxaayo samee, wixii uu ka xanaaqayo ka ilaali waalidka mar walba oo farxad leh aad sameyso oo uu farxo niyadiisa ayaa kuu duceyneyso.

Waxaan u maleynaa warka seetadda ayuu goostay, bal aan isku dayo inaan soo gaabiyo ama aan gunta u dhaadhaco, rag badan oo soommaali ah ayaa ka hadlay hooyadda iyo dhibka ay caruurta ka marto, dareenka hooyada rag badan ayaa gabayo ka tiriyey.

Waxaa aad ii soo jiitay sheeko cajiib ah oo uu gabay ka tiriyey abwaan maxamed ibraahim warsame “hadrawi”. Hooyo soomaaliyeed oo hal wiil un ka heystay aduunka, ayaa wiilka hooyadiis hal maalin xitaa sii haleeli weynayaa.
Hooyo waxey tiri, ayada oo tabaneyso xanuunkii ay ka soo martay caloosha ku heysay:
Caloosha intey ku heysay
Hiyiga ku baxnaanineysay
Haraadka intaad jaqsiisay
Dhabteyda intey ku heysay
Intaan dusha kugu heesay
Hawraaha kugu amaanay
Hadhuubada aan ku siiyey
Habniin adigoo ku diidan
Intaan hanbo kuu daboolay
Adoo haqab beel ku seexda
Ilaashay hareerahaaga
Hungaa I xasuusineysa.


Bal eeg dhuux si qoto dheer u darasee miraha gabeygan, waxaad ka dareemeysaa hooyadan iney xanuun badan ka soo martay soo kurintii wiilka, balse marka habeyga sidas ay ku lee dahay hooyada kama shaleysana wiilkeedda waxa ku dhacay balse waxey tuseysaa dhalinta hadda soo kaceysa, in waalidka gaar ahaan hooyadda, ay bartaan dhibka ay ka soo marto ubadka ay dhashay.
Waalidka markuu arko caruurtiisa oo aan tixgalin sineyn ama aan sidii la rabay u xanaaneyneyn, wuxuu ka doortaa inuu wax walba oo amaan ah iska siiyo, si dadka uu uga qariyo wiilka xumaantiisa hooyo waxey tiri:
Halyeynimadaada sheelan
Habawgiyo dhiirintiisa
Ayaan halis kuu tuseyne
Intaan kugu hoodo daalay
Intaan kugu hoodo sheegtay
Intaan habla kuugu faanay
Hilaado fog bey aheyde
Inaan hafarkaaga qaato
Sidaad ku heyshaa dadweyne
Habaaska inaan cantuugo
Adoo hanadaan ka doorta
Xageyga hibaan ku saaray
aniga ku habaariyo mayo.


Cajiib mar walba waa cadaada hooyada iney sidaan u hadasho, balse karti darada heysata dhalinyaro badan iyo mangaabnimadda ayaa sababeyso iney waalidka rafaddaan, ubadkiina uusan waxba ka ogeyn qofkii aduunka keenay dhibkaas badan ka soo maray korintoodda, fikir maskaxdaada adeegso ma waxey kula tahay adiga oo waalidkaaga aan ka duceysan inaad aduunka nolol raaxo leh ku noolaaneyso, maya waligaa raaxo arki meysid, maalin walba caqab iyo murugo joogta ah ayaa hortaadda imaaneyso, maalinta qiyaamona naarta ayaa laguu taxabeyaa, waayo waalidka dartiis ayaa janadda ku weysay.

Waxaan nafteydda iyo dhamaan dhalinyaradda soommaaliyeed meel walba oo ay joogan kula dardaarmi lahaa iney iska ilaaliyaan waalidka oo ay ka duceystaan, waa iga codsi, waayo waalidka gaar ahaan hooyaddu waa lama hurraan.
By: Iidiaamiin.
avatar
Iidiaamiin

Male
Number of posts : 9
Age : 35
Location : mogdishu
Major : Adeege
Favorite Quote : "Caqilo halkii lagu galey caw ku hurudaaye..Caruurtey ka leysaa ninkii caano bas dhama'e
Registration date : 2008-03-11

View user profile

Back to top Go down

View previous topic View next topic Back to top


 
Permissions in this forum:
You cannot reply to topics in this forum