Hanqal Taag.

View previous topic View next topic Go down

Hanqal Taag.

Post  Iidiaamiin on Thu Mar 13, 2008 6:14 pm

silsiladaan gabayadda ah, waxaan ugu tala galay dhalinyaradda, iney ka dhigtaan ma weelo iyo ku dayasho, ogow qof walba oo bani aadamka asaga ayaa iska keeni karo, in uu gabyo wax qoro, ama uu noqdo qof wax un sameyn karo.

Gabayaddan tixanaha noqon doono waxey maskaxdiisa ka ka soo maaxatey aniga oo ah "Iidiamiin". waxana ugu tala galay inaan dhalin yaradda da'da yar ku tuso in wax la sameyn karo, oo aysan dadka waa weyn bas, gabyi karin da'yarteenan aan gabyi karo. ogow markaad gabyeysid waa inaad waxa aad ka gabyeysid fahansan tahay si aad dareenka dadka u soo jiidato.

silsiladaan aan ugu magac daray hanqal taag, waxaa kale ee aan ka sameeyey sheeeko qoraal ah insha alaah isla sheekaddaasna waxaan idiin soo galin doontaa page-kan, qoraalka sheekadaan waxaa gacan ka geystay webmester-ka weyn ee inoogu deeqay inaan isticmaalo pagekaan Admin oo ah qofka pagekan isku hawlay gacana ka geystay inaan qoraalo badan oo laqado badan leh ku soo qorno.

Afku hadal ma daayee
Aanku dayo bal maantadan
Arin aan u door biday.

uurku taalo iyo ciil
umal iyo xanuun iyo
urug aan hareynbaa
iga dhigatay caadoo

albaada qalbigiyo
wadnaha dhiiga qaadaa
culeys igaga dhacayoo
ma aqaan dhibkaan galay
ma caqilo qorsoon baa
tafaheyga hoos taal.

Sidey aniga ila tahay
Qalbi caashaq lumiyoo
Kaba jarey gasiinkoo
La door soomay baan ahay.

Warka waa la miiraa
Murti loo yidhaahdaa
Biyadhaca guntiisaan
Usii malafsanayaa.

Gabdhyahay aduunyadda
Waxaa loo agaasimay
Iney tahay ma guuraan.

Maalintaan is aragnee
Mar xabiyo salaan guud
Igu soo dhaweysee
Kashka adiga aad leedahay
Igu qabatay anigee
Aduunyadda kalsoonaa
Lagu wada bararaa

Kaftanka iyo sheekadda
Himildaada dheerbaan
Rabaa taxadarkeedee
Haddimadda rag lee yahay
Adigoona eegeyn
Tuhun iyo xumaaniyo
Shaki aadan iga qabin
Bal u jeedada hawraaraha
Si haboon u fiirsoo

Ninku jecel inaan ahay
Hagoog igama saree
Mustaqbalkeena wacan iyo
Inaan noqo labo bira
Irdho iyo xan soo galin
Hamigoodu dheer yahay
Ku fikiro xadigahoo
Daruurahana dhaafoo
Nafta isku aaminay
Dabeylaha dhacaayana
Noqdo kuwo ka nabad gala
Waa sidaa u jeedda iga soo baxeysee
Iga go’an saluuglaay, maxey adiga kula tahay?








avatar
Iidiaamiin

Male
Number of posts : 9
Age : 35
Location : mogdishu
Major : Adeege
Favorite Quote : "Caqilo halkii lagu galey caw ku hurudaaye..Caruurtey ka leysaa ninkii caano bas dhama'e
Registration date : 2008-03-11

View user profile

Back to top Go down

Re: Hanqal Taag.

Post  Admin on Thu Mar 13, 2008 6:20 pm

Masha Allah, you're very talented with your words. I wish I could translate my english poems to afsomali, but I'm making progress, compared to my illiterate syndrome couple of years ago.

Waad ku mahansantahey qoraalka aad soo qortey, and I'm honored to give you the opportunity to such work of art.


Keep them coming.
avatar
Admin
Admin

Female
Number of posts : 57
Age : 32
Location : North America
Major : Computer Engineering/Forensics
Registration date : 2008-03-11

View user profile

Back to top Go down

Re: Hanqal Taag.

Post  Bloo on Fri Mar 14, 2008 12:48 am

no hablo af somali study

Bloo

Number of posts : 1
Registration date : 2008-03-12

View user profile

Back to top Go down

Re: Hanqal Taag.

Post  Admin on Sat Mar 15, 2008 6:15 pm

The sad case about your “no hablo af somali” is that you’re writing that in Spanish mixed in Somali, and can’t speak or write your mothers tongue completely. Maybe this is a hint that you should put somewhat effort into learning it, before your mother comes to a decision to send your illiterate’self to Somalia, to get hitched to a geeyljire (camel rider)...

(I love you!) lol!
avatar
Admin
Admin

Female
Number of posts : 57
Age : 32
Location : North America
Major : Computer Engineering/Forensics
Registration date : 2008-03-11

View user profile

Back to top Go down

Rageedii

Post  GeelJire on Wed Aug 06, 2008 8:01 pm

Sxb that was really deep....I am re educating myself in luuqada af soomaaliyeed, aad baa u mahad santahey, qoraalka adeeg ma aheen, sidee saliid macsaro baan u dareeriyey. Cool
avatar
GeelJire

Male
Number of posts : 19
Age : 37
Location : http://www.myspace.com/cag_ma_dhige
Major : Health Administration
Registration date : 2008-08-06

View user profile http://www.myspace.com/cag_ma_dhige

Back to top Go down

Re: Hanqal Taag.

Post  Sponsored content


Sponsored content


Back to top Go down

View previous topic View next topic Back to top


 
Permissions in this forum:
You cannot reply to topics in this forum