Hanqal Taag Qeybtii 3aad

View previous topic View next topic Go down

Hanqal Taag Qeybtii 3aad

Post  Iidiaamiin on Mon Mar 24, 2008 6:26 pm

Tixdaan daba socotaa gabeygii hore, gabyagu wuxuu tixdiisa ku cabirayaa sida uu uga gaabinaayo xanuunka haayo, iyo nacasnimadda heyso oo u hadli la'ayahay, wuxuu ku cabanayaa, aamusnaatiisa ay natiijo u noqo inuu waayo gabadha, waxaan soo xasuustay maahmaah dadka reer xamarka ah ay aa laaba isticmalaan oo aheyd."daahane hortiis dafanaa joogo", oo macnaheedu yahay, qof aamusan oo an hadlin waxaa ka faa'ideysta nin hadal badan ama wixiisa banaanka soo dhigta, akhristayaasheyda qiimaha badanow ku soo dhawaadda:

Magacaydda ilaahbaan
Dhaar kuugu marayaaa
Ilaahow ilaah kale majiro
adiga mooyaane
Adigaa awood loo cidkale
amar ka yeeleynin
Adigaa adoomaha khalqoo
dhaman wada ekeysiyey.

Imisaan tix dareershoon,
Kugu dulmuusanaaboon
Awoodaada sheegoon
Quruxdaada kala dhigay.

Anigana dhibkaan qabo
Aamusnaanta qaarkeed
Marbey oof an kaa harin
Waa beey qaraar iyo
Waran kaaga daran tahay.

Mar waxaan iraahdaa
Isla hadalka uurka ah
Iyo tixaha dhaadheer
Garan meyso gabadhuyo
Bada buur ha dhaaftee
Dibna haaga kala furo
Oo sheeg umuuraha.

Wali uur ka hadalkiyo
waa go’aan qaado oo daa
Cabsi waxaan dareemaa
Mugdi dama cariiriyo
Walwal ii darsowdaa
Anoo seegay gabadhii
Uurkeyga dubatoo
Igu shiday a lee laha.

Dhamaan ina rageedow
Waxaan igu dhacayaa
Ma horey baad u aragteen
Mise waa wax cusuboo
Igu kooban anigoo
Sad ilaahay weeyaan

Ilaah baa ummuuraha
Hilin toosan mariyee
Cusri markuu yimaadaba
Yusri dibadii mariyee
Nasrigaaga eebow
Iiga yeel suleekhdan

Ama aan baroortiyo
Naftan halan halkeedaa
Kolba maanso eed iyo
Maskaxdeyda shiishoo
Qaraw igu abuurtoo
Iimaba haboona’e
Badda buur ha dhaaftee
Dibna haaga kala furo
Oo sheeg umuuraha.

Haddii kale dulleedada
Heesaha la taagnow
Ha ku dhaafo qeyrkaa….
by: Iidi
avatar
Iidiaamiin

Male
Number of posts : 9
Age : 35
Location : mogdishu
Major : Adeege
Favorite Quote : "Caqilo halkii lagu galey caw ku hurudaaye..Caruurtey ka leysaa ninkii caano bas dhama'e
Registration date : 2008-03-11

View user profile

Back to top Go down

View previous topic View next topic Back to top


 
Permissions in this forum:
You cannot reply to topics in this forum